U diyaargaroowgii doorashada madaxweynaha oo la soo gabagabeeyay

muqdishoMuqdisho (estvlive0 06/02/2017

Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay u diyaargaroowga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo afar jeer oo hore dib u dhac ku yimid.

Guddoomiyaha gudiga doorashada oo ka kooban 17 xubnood Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in doorashada ay ku dhici doonto sida uu hadalka u dhigay waqtigii loo qorsheeyay ee 08 bishan Feberaayo oo maalin kaliya naga xigto.

‘’Waxaan ballanqaadeynaa in doorashadu noqonto mid daah furan oo si la wada arkayo u dhacda, waxaan ilaalin doonaa hufnaanta iyo in  sida ugu fiican wax walba ku soo dhamaadaan ayuu yiri’’ guddoomiyaha gudiga doorashada.

Doorashada loo balansan yahay maalinta Arbacada ayaa soo jiitameysay tan bishii October ee sanadkii hore 2016ka, hasse ahaatee waxaa muuqata xiligan in wax walba oo ku saabsan arintan soo dhamaadeen.

275 xildhibaan oo ka kooban gollaha shacabka iyo 54 mudane oo aqalka sare ah u codeeyaan madaxweynaha waxaana tirada xildhibaannada codadkooda dhiibanaya marka leysku geeyo noqonayaan 329 xildhibaan.

Ilaa 23 musharax ayaa xiligan u tagan in ay u tartamaan kursigan kuwaa oo si gaar ah isha uga wada haya daah furaanta doorashada, waxaana xusid mudan in qaar ka mid ah musharixiinta dalbadeen in laga soo wareejiiyo doorashada halkii markii hore loo qorsheeyay in ay ka dhacdo ee xarunta Jen Kaahiye iyaga oo shaki ka muujiyay sida goobtaas loogu kalsoonaan karo.

Ugu danbeyntii, waxaa diyaargaroowgii ugu danbeeyay ku jira goobta loo qorsheeyay in ay doorashada ka dhacdo oo inta badan loo dhameystiray waxyaabihii lagama maarmaanka u ahaa qabsoomida doorashada.

 

Comments are closed