Xuska Bisha Caafimaad Qabka Hooyada Oo Laga Xusay Jigjiga.

4Jigjiga (estvlive) 06/02/2017

Munaasabad lagu xusayay bisha caafimaad qabka hooyada oo ah munaasabad sanadkiiba halmar bisha Tir laga xuso dalka  ayaa ka dhacday jigjiga gaar ahaan barxada wayn ee xafiiska caafimaadka DDSI.

 

3Munaasabadaasi  oo uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta iyo shaqaalaha xafiiska caafimaadka DDSI oo uu ugu horeeyo  wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali iyo masuuliyiin heer deegaan ah ay ka  mid yihiin wasiirka  arimaha haweenka iyo caruurta DDSI marwo Raxma maxamuud haybe, gudoomiyaha arimaha islaamka DDSI mudane Sheekh Cabdiraxmaan Xasan Xuseen, masuuliyiin ka socotay hay’adaha ay bah-wadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI  iyo marti sharaf kale.

2Waxaana furitaankii munaasabadan ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo sheegay in munaasabadan bisha caafimaad qabka hooyadu tahay mid laga xusayo dalka oo dhan maanta, wuxuuna ka warbixiyay dadaalada dalkeena itoobiya iyo deegaankuba ugu jiraan  sidii looga midho dhalin lahaa siyaasada caafimaadka ee  ku salaysan ka hortaga cudurada. wasiirk ayaa sheegay in xafiiska caafimaadka DDSI sanadihii ugu danbeeyay guulo laxaad leh ka soo hooyay dhinaca tayada iyo tirada adeegyada caafimaadka gaar ahaan adeega caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka wasiirka ayaa ku booriyay guud ahaanba hooyooyinka DDSI in ay ku xidhnaadaan xarumaha caafimaadka

1Dhankeeda waxaa ka hadashay munaasabadan ka hadhay  wasiirka arimaha haweenka iyo caruurta DDSI marwo Raxma Maxamuud Haybe oo ka warbixisay dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto daryeelka hooyada maadaama oo ay hooyadu tahay warshada wax soo saar leh  wasiirka ayaa tilmaan dheerka bixisay adeegyada caafimaadka ee la gaadhsiiyay bulshada Reerguuraaga ah iyo guulaha laga gaadhay 16ka xidhmood ee  adeegyada caafimaadka.

Munaasabadan oo la halku dhig looga dhigay” si Naxariis iyo xushmad leh aan u  daryeela hooyada” Waxaa kale oo ka hadlay munaasabadan gudoomiyaha arimaha islaamka DDSI mudane sheekh Cabdiraxmaan Xasan Xuseen wuxuuna ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay munaasabadan iyo doorka ay diinta islaamku siisay daryeelka caafimaadka hooyada wuxuuna ku booriyay in ay hooyooyinku ku xidhnaadaan xarumaha caafimaadka si ay u  helaan daryeel caafimaad xiliga dhalmada

Gadhwadeenka geedi socodka kor u qaadida caafimaadka, ka hortaga cudurada iyo faya dhawrka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Caydaruus Axmed oo gagababadii munaasabadan la hadlay warbaahinta DDSI ayaa ka warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada xuskan munaasabada bisha caafimaad qabka hooyada isaga oo sheegay in ay tahay munaasabad lagu xoojinayo qorshayaasha kor loogu qaadayo adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhalaanka islamarkaana looga gol-leeyahay sidii ay hooyo kasta oo  uurlihii ugu yaraan afar jeer u la xidhiidhilahayd  xarumaha caafimaadka si ay u hesho xanaanada hooyada uurka leh, kuna dhasho xarumaha iyo cusbitaalad oo kaliya,  kana  faa’iidaysanaysa daryeelka caafimaadka dhalmada ka dib. Gadhwadeenka ayaa intaasi ku daray in dhanka kale lagu xoojiyo munaasabadan sidii ay xifradlayaasha caafimaadku  u bixin lahaayeen daryeel caafimaad oo Nasariis iyo Xushmad leh.

 

Gagababadii munaasabada  waxay masuuliyiintii iyo shaqaalihii ka soo gaqaybgalay munaasabadu  booqteen cusbitaalka Kaaraamardhe ee magaalada jigjiga, waxayna wasiirka caafimaadka mudane xasan ismaaciil iyo wasiirka arimaha haweenka iyo caruunta DDSI marwo raxma maxamuud habye  si wada jir ah hadiyada iyo shahaado sharaf gudoosiiyeen hooyooyinkii ku umulay todobaadkan aan ku jirno cusbitaalka wayn kaaraamardha. Iyada oo dhinac kale ay munaasabadan qaybka ahayd dhiig shubid loogu deeqayo hooyooyinka  ay soo wajahdo dhiig yaraantu.

Comments are closed