Amnesty ayaa sheegaysa in dadka loo isticmaalo maxkamado Milteriga xabsigana lagu jirdilo, qaar badan ayaa la del-delay, maxaabiista dhexdooda ayaa la isku khasbaa in ay is kufsadaan, tbaha kale oomaxaabiista lagula kaco ayaa ah in cunnada loo diido oo ay macaluul u geeriyoodaan sida Amnesty sheegtay.
Omar Alshogre aa 21 sano jir waxa uu noqdey 35kg markii xabsiga laga soo daayey
Dad badan ayaa waayey qaraabadoodi markii ugu danbeyseyna ay ku jireen gacanta xukuumadda Bashar Al-assad.
Amnesty ayaa xogtan ka heshay waraysiyo ay la yeelatey dad ka badan 84 qof waxaana kamid ahaa 4 qof oo ilaalo ka ahaa xabsiyada iyo weliba 31 qof oo maxaabiis ahaa, Qaadiyaasha xukunka ku ridi jirey, Dhakhtar, qareeno iyo weliba khubaro kale.
Comments are closed