Faah faahin : Dagaal culus oo ka dhacay gobolka Shabeellaha dhexe

201727636220480790522061AMISOM-troops-in-SomaliaqqqqMahadaay (estvlive) 07/02/2017

dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in ay wadada u galleen ciidamo tirsan kuwa dalka Burundi ee ka midka ah hawlgalka AMISOM ee gobolka Shabeellaha Dhexe..

Dagaal socday muddo ka badan saacad ayaa labada dhinac ku dhexmaray inta u dhaxaysa tuulooyinka Biyo Cadde iyo Mir Tuugo oo hoos yimaada degmada Mahadaay.

Dadka ku sugan degmada Mahadaay ayaa BBC-da u sheegay in ay maqlayeen hubka culus ee ay labada dhinac isku ridayeen.

Ciidan gurmad ah oo ka tirsan kuwa dawladda ayaa ka baxay magaalada Jowhar kuwaas oo ku sii socda aagaga ay dagaaladu ka dhaceen.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya tuulada Mir Tuugo ayaa sheegaya in hadda dagaalku istaagay, ciidammadii Al-Shabaabna ay dib uga gurteen aaga dagaalku ka dhacay.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ciidammada Burundi iyo Al-Shabaab ku dhexmaray inta u dhaxasa tuulooyinka Biyo Cadde iyo Mir Tuugo.

Ugu danbeyntii, tuulooyinka lagu dagaalamay ayaa qiyaastii 47 km u jira xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ee jowhar.

 

Comments are closed