Fillon oo raali gelin ka dalbadey shacabka Faransiiska

ddsiParis (estvlive) 07/02/2017

Ninka hoggaanka u hayey tartanka Madaxweynaha Faransiiska ee dhacaysa bisha Abril 2017 François Fillon ayaa sheegay in aysan jirin wax uu qarinaayo. Fillon ayaa lagu eedeeyey in uu shaqaaleysiiyey Xaaskiisa Pénélope Fillon markii uu ka tirsanaa Baarlamaanka Faransiiska. Xaaskiisa ayaa la sheegayaa in ay mushahar badan qaadaneysey iyada oo aysan jirin shaqo run ah oo ay qabanayso.

 

Sida laga soo xiganaayo Wargeyska ka soo abxa dalka Faransiiska ee Le Canard Enchainé xaaska muhsraxa ayaa mushahar u qaadatey 830 000€ muddo 15 sano ah, sidoo kale waxaa lagu eedeeyey musharaxan in caruurtiisu ay mushahar u qaateen 84 000 shaqo aan la caddeyn waxa ay tahay. Eedaymahan ayaa si weyn wax ugu dhimey sumcadda musharaxa oo amrkii hore hoggaanka u hayey tartanka la geli doono dhawaan.

Shir jaraa’id oo uu qabtey Fillon maalintii Isniinta ayuu sheegay in Mushaharka xaaskiisu qaadatey aanu lahayn wax cudur daar ah. Fillon ayaa yiri xaaskeygu shaqada ayey igu taageertey, mana jiro wax qalad ah oo aan sameeyey. Fillon ayaa sheegay in uu yahay musharax guuleysan kara oo aanu tartanka ka baxeyn

Xaaska Fillon haweeneyda la yiraahdo Penelope ayaa mar sii horeysey waraysi ay siisey Joornaalka Daily Telegraph ku sheegtey in ay ku qorneyd kaaliyaha Fillon laakiin aysan jirin shaqo ay qaban jirtey haba yaraatee.

In badan oo kamid ah Xibiga Jamhuuriga ee Fillon u sharaxan yahay ayaa doonaya in uu ka baxo tartanka ka hor doorashada si Xisbigoodu u guuleysto.

Comments are closed