Madaxweyneyne Siilaanyo oo dalbaday fadhi wada jir ah oo iskugu yimaadaan labadda gole baarlamaan

kHargeysa (estvlive) 07/02/2017

Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Max’ed Max’uud Siilaanyo ayaa la sheegay in uu qoraal codsi ah usoo gudbiyey labadda shirgudoon ee Baarlamaanka inay kulan iskugu yimaadaan bishan 2aad  12aad-keedda.

Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi CIrro oo warbaahintu wax ka waydiisay codsigaasi madaxweynaha, ayaa sheegay in codsigaasi jiro, balse waraaqda aanay ku jirin ajando cayiman balse lagu soo qoray uun labadda gole ha iskugu yimaadaan, waxaanu sheegay in arrimo nabadgalyo uun lagaga hadli doonno inay tahay.

 

Sidoo kale, gudoomiyaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan oo ay adag tahay in war laga helaa ayaa isna sheegay in aanu waraaaqdaasi arag balse xafiiska taallo, haseyeeshee waxa uu sheegay inuu madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu codsan karo in labada gole iskugu yimaadaan.

Ugu horeyn gudoomiyaha golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo wax laga waydiiyey ajandaha qoraaalka madaxwenaha ku qoran inay ku jirto kireynta saldhiga Militariga ee Berbera ee laga kiraynayo wadanka Imaaraadka Carabta ayaa yidhi “way jirta codsi ka yimid madaxweynaha oo uu labadda gole ka codsaday inay kulan iskugu yimaadaan, laakiin wax ku qoran oo ajande ahi ma jirto, saldhigna kuma qorna wax kalena kuma qorna ee arrimo nabadgalyo in laga hadlayo ayaa ku qoran, marka Ajandaha ogaano ayuun baanu ka warami karnaa”.

Dhinaca kale, gudoomiyaha Golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan oo isagoo socda su’aallo lagu boobay ku saabsan codsigan wuxuu daaran yahay ayaa inta badan ka gaabsaday, isla markaan si diidmo ah kaga jawaabayey isago socda.

Haseyeeshee waxa uu sheegay in waraaqdaasi la keenay xafiiska balse aanu wali arag, waxaanu sheegay inuu madaxweynuhu xaq u leeyahay in uu codsan karo in labadda gole isku yimaadaan, isagoo arrintaasi ka jawaabaya waxa uu yidhi “xafiiska way taallaa ayey ila tahee anigu shalay waan maqnaaye,insha alla waan arki doonaa, ee maxaa idinka idinka khuseeya,… xaq buu uleeyahay haddii u baahdo inuu iskugu yeedho, waa qasab haddii uu madaxweynuhu codsado in la iskugu yimaaddo labadda golle”

Wararka laga helayo madaxtooyadda ayaa sheegay in xukuumaddu doonayso inay baarlamaanka ka xalaalaysato heshiishka ay Imaaraadka la gashay ee lagu kiraynayo madaarka Berbera oo saldhig military ka dhigan doonto wadankaasi Imaaraadku, halka warar kalena sheegayaan in madaxweynuhu ka jeedin doonno fadhiga labadda gole khudbad sanadeedkiisii.

 

Comments are closed