Team Ingineero Ah iyo Qalab Biyaha lagu Qodo ku Wajahan Jarar & Qoraxay

Screenshot_20170207-133323Jarar, Qoraxay  (estvlive) 07/02/2017

Xukumadda dawlada deegaanka Somalida itoobiya ayaa waxey dadaal Xoogan Ugu jirta sidii shacabka deegaanka ay u gaadhsiin laheyd biyo Nadiif ah ayadoo lagu gudo jiro xili ay abaaro ay saamaysay qaar ka mid ah gobolka Jarar, doolo iyo Qoraxay.

 

FB_IMG_1486461386657Xafiiska biyaha ee dawladda deegaanka Somalida itoobiya ayaa maanta u diray Gobolka jarar iyo Qoraxey koox ingineero ah oo u dhameystiran dhamaan qalabka biyaha lagu soo saaro.

FB_IMG_1486461386657Koxdan ayaa waxey bar tilmaameysanayaan goobaha ay ka jirto biyo la’aanta xoogan mid ka mid ah Ingineerida ayaa warbaahinta DDSI u sheegay isaga iyo teamkiisa ay jawaab degdeg ay ka bixin doonaan islmarkaana ay ku dadaali doonaan in ay wax weyn ka qabtaan goobaha biyo la’aanta ay ka jirto ayuu  yiri Ingineeka

Ugu Dambeyntii, Xuumadda dawlada deegaanka Somalida itoobiya ayaa waxey dadaal Xoogan Ugu jirta sidii shacabka deegaanka ay uga samatabixin laheyd Abaaraha ku habsaday qaar ka mid ah Deegaanka

Madaale NogobNews jigjiga
estvnews@hotmail.com

Comments are closed