Madaxweynihii 9aad Ee Somaliya Cabdullaahi Farmaajo oo noqdey

farmaajo11Muqdisho (estvlivee) 08/02/2017

Musharax Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guul weyn helay, waxaana uu wareegii labaad ku soo baxay codad gaaraya 184 cod.

 

  1. Maxamed Cabdullaahi Farmaao wuxuu helay 184 cod
  2. Xasan Sheekh Maxamuud  97 cod
  3. Shariif Sheekh Axmed 46 cod

Wareega labaad oo ay isugu soo bixi lahaayeen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqdey mid aan la gelin, maadaama codadka Farmaajo codadka uu helay ay ka badnaayeen kala bar codadka Xildhibaanada.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo kacay, waxaana uu ku dhawaaqey in doorashada looga guuleystey oo aysan mareyn wareeg saddexaad, waxa uu u hambalyeeyey Madaxweynaha la doortey Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa soo kacay Farmaajo oo isaguna aqbley hambalyada uu siiyey Xasan Sheekh maxamuud.

Madaxweynaha la doortey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isla goobta lagu dhaariyey.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa noqonaya Madaxweynihii 9aad ee Jamhuuriyadda federaaliga ah ee Soomaaliyeed.

Khdubadda Farmaajo

madaxweynaha la doortey Farmaajo ayaa khudbad kooban ka jeediyey waxaana uu ugu horey u hambalyeeyey Xildhibaanada is-beddeldoonka a ah kuwa doortey iyo kuwa kaleba, guusha uu gaarey auu ku sheegay mid Soomaaliyeed, waxay bilow u tahay ayuu yiri midnimada Soomaaliya. ugu horeyn ayuu ku dhawaqey in uu xafdinaayo amaanada dalka, gacana uu siinayo dadka saboolka ah.

Farmaajo ayaa sidoo kale u mahadceliyo musharixiintii la tartantey.

Comments are closed