Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle oo hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee dalka Farmaajo

201729636222048227911767osobleMuqdisho (estvlive) 09/02/2017

 

 

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Mudane Cali Cabduulaalhi Cosoble ayaa hambalyo kal iyo lab ah u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee loo doortay in uu hogaamiyo 4-sano ee soo socota dalkeena, iyadoo uu soo dhoweeyay guulaha waaweyn ee uu dalku hiigsanayo.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle  ayaa ku tilmaamay doorashadani mid taariikhi ah, una dhacday si hufan oo Dimuqraadi ah, waxa uuna si gaar ah hambalyo ugu diray madaxweynaha cusub Mudane Farmaajo, isaga oo alle uga rajeeyey inuu xilkan culus la garab galo.

“Waxaan hambalyo diiran halkan uga dirayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ku guuleystay doorashadii caawa ku soo gabagabowday  magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, waana saaxiib aan aad u garanayo oo howl kar ah” ayuu yiri Madaxweynaha oo sheegay inuu ku ammaanayo Farmaajo howshii uu horay uga soo qabtay dalka xilligii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa dawladdii KMG aheyd.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble waxa uu ku ammaanay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  kaalintii uu ku lahaa hirgelinta doorashooyinka iyo xasiloonida, iyo sida uu u aqbalay natiijada codeynta Baarlamaanka oo ah mid muujineysa mas’uuliyad iyo tanasulka uu sameeyay.

“Waxay aheyd doorasho mugleh oo muujisay biseylka ay Soomaaliya  horey ugu talaabsatay dhanka Dimuqraadiyadda, waxayna ku dhacday jawi aad u heer sareeya oo dadka Soomaalidu u riyaaqeen, waxayna muujineysaa in ay dalka ka dhici karaan doorashooyin xor ah” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Cosoble  oo balan qaaday in Maamulkiisa Hirshabeelle ay la yeelan doonto xiriir dhow iyo wada shaqeyn madaxweynaha cusub Soomaaliya, islamarkaana ay si buuxda u garab istaagi doonaan.

 

Comments are closed