Xukuumadda Somaliland oo u hambalyeeysay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

201729636222279312958207xuseeen dayrHargeysa (estvlive) 09/02/2017

Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhoweysay doorashadda madaxweynaha loogu doortay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, waxaanu ku dhiirigaliyeen inuu sii waddo wada hadaladdii u socday Somaliland iyo Soomaaliya.

“Somaliland waxay mar walba muhimadda iyo mudnaanta koowaad siinaysaa deris-wanaagga iyo nabad ku wada noolaanshaha labada shacab ee walaalaha ah. Waxaanu soo dhaweynaynaa nabad, degenaansho iyo xal waara oo loo helo arrinta murugada leh ee ka jirta Soomaaliya”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiisma madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha Xuseen Deyr.

Waxaanu intaas ku dareen “ si looga gun gaadho wada hadalada labada dal u dhexeeya, waxaanu Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ugu baaqaynaa inuu ka leexdo jidkii qaldanaa ee uu qaaday Madaxweynihii isaga ka horreeyey ee ku suntanaa faro-gelinta iyo carqaladaynta Qadiyadda iyo Gooni isu-taagga JSL. Madaxweyne Farmaajo waxaanu kula talinaynaa inuu muhimadda koowaad siiyo sidii u dalkiisa iyo dadkiisa ugu horseedi lahaa nabad iyo degenaansho waarta taasoo ay ku jirto danaha iyo maslaxadaha jaarnimo.”

Afhayeenka madaxweynaha Xuseen Adan Cige (deyr) oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya waxaanu si cad ugu sheegaynaa in Jamhuuriyadda Somaliland aanay meteli karin shaqsiyaad danaystayaal ah oo Muqdisho laga cugtay. Waa maag iyo meel ka dhac qaawan in magaca qarankayaga loo cimaamado cid aan shacbiweynaha Somaliland dooran, ama aan haysanin kalsoonidooda. Ummadda Somaliland waxaa matala oo kaliya, kana mas’uul ah Madaxweyne iyo M/weyne ku xigeen ku yimi doorasho xor iyo xalaal ah iyo Goleyaal Qaran oo ku yimi rabitaanka iyo Codka ummadda JSL.”

“waxay xasuusinaysaa Madaxweyne Farmaajo in Somaliland ay tahay dal madax bannaan oo aan ka mid ahayn maamul goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka, waxayna diyaar u tahay inay soo fadhiisato gole kasta oo caalami ah oo xaajadeeda lagu gorfaynayo.”ayuu hadalkiisa raaciyey.

 

Comments are closed