DAAWO Madaxweyne Farmaajo oo ugu Baaqay Shacabka Inay Joojiyaan Dabaaldegyada-Video

joojiMuqdisho (estvlive) 10/02/2017

Madaxweynaha Cusub ee la doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho ku nool ugu baaqay inay joojiyaan Dabaaldegyada iyo damashaadka, waxaana uu sheegay in uu dhamaaday waqtigii ololaha doorashadda.

Madaxweynaha ayaa hadalkan jeediyay xili dambe oo xalay ah, isagoo ka mahadceliyay taageeradii iyo dabaaldegyadii ay shacabka Soomaaliyeed ku soo dhaweeyeen gushiisii,

“ waxaa ay marayeysaa maalintii labaad, waxaan rabaa in aad u fahamtaan ololohii waa dhammaady, waxaa hadda loo gudbahayaa xilli shaqo oo aan doonayo in dowladda iyo shacabka in ay wada shaqeeyaan, oo shacabka ay sii wadaan kalasoonida ay siiyeen dowladda, laakin dabbaaldeggii in uu dhammaadey oo la joojiyo wixii hadda ka dambeeya isu soo baxaan maxaa yeelay ololihii waa dhammaaday” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay

Wuxuu ka hadlay abaaraha saameeyeen dalka oo dhan, isagoo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed wax haysta meel kasta oo ay joogaan inay ku tabarucaan wixii ay awoodi karaan

“waa in aan isu gurmanno, waa in aan isu naxariiso, inshaa-alaah waxaan rajeynaa khaasatan dadka qurbaha jooga in ay ku soo tabarucaan hey’adda gargaarka abaaraha oo ay culimadu isu xil-qaameen oo ay wadaan ololahaas ay ku aruurinayaan shaqaalaha si dadka oo walaalahooda ah oo dhibaateysan oo baab’asan ay wax ugu qabtaan” ayuu yiri

Caasimadda Muqdisho iyo Caasimadaha maamul goboleedyadda dalka   waxaa ka dhacayay dabaaldegyada iyo damashaad lagu soo dhawaynayay guusha madaxweynaha cusub ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana lagu arkayay wadooyin waaweyn ee caasimadda boqolaal dadweynaha oo  xayn xayn u socda oo sita sawirka madaxweynaha iyo Calanka Soomaaliya, waxaa kaloo caasimadda ka dhacaysay rasaas badan oo ay ridayeen ciidamadda, taasi oo cabsi galisay dadweynaha.

Gabagabadii, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka Tacsiyeeyay Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid alle ha u naxariistii  Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Gen Maxamuud Muuse Xirsi oo maalintii arabacada ee 8 bisha February ku geeriyooday Dalka Imaraadka Carabta.

 

Comments are closed