DAAWO Syria: Maraykanka oo duqeyn ku dilay hogaamiye ka tirsan Al Qacida – VIDEO

siiriya maantaSiiriya (estvlive) 10/02/2017

Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka Pentagon ayaa shalay xaqiijisay inay 11 ka tirsan kooxda Al Qacida ku dileen duqeyn ka dhacday wadanka Siiriya.

Duqeyntan oo la sheegay inay dhacday 4tii bishan ayaa waxaa dadka lagu dilay kamid ahaa ninka lagu magacaabo Abu Hani Al Masri oo ka tirsanaa abaanduulayaasha kooxda Al Qacida.

 

Ninkan sida weyn loo raadinayey ayuu Maraykanka sheegay inuu horey madax uga soo ahaa Al Qacidada ku sugan dalka Afghanistaan iyo tababarada maleeshiyaadka kooxdaasi.

Weerarkan cirka ee Maraykanka ku qaaday Siiriya ayaa ka dhacay gobalka Idlib ee dalkaasi Siiriya.

Comments are closed