Farmaajo oo La Kulmay Murashixiintii Isbedal Doonka – VIDEO

farmaajoMuqdisho (estvlive) 10/02/2017

Madaxwaynaha Cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay qaar ka mid ah murashixiintii uu kaga guulaystay tartankii doorashadda iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada.

Kullanka oo  ku bilowday  cashar sharaf uu  xalay Madaxweynuhu ku qabtay hotel Al-Jazeera ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay murashixiin tiradoodu kor u dhaafaysa toban.

 

Kullanka ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii looga wada shaqayn lahaa Qarannimada Soomaaliya iyo in xaalad kasta lagu wajaho wadajir.

Madaxwaynuhu wuxuu uga mahadceliyay musharraxiinta sida ay u aqbaleen caasumaaddiisa, wuxuuna sheegay inay ka go’an tahay ka miro dhalinta qorshihii uu ku soo bandhigay Baarlamaanka hortiisa, kaasoo hal ku dhig u ahayd nabad iyo nolal. Sidoo kale Madaxweyneynuhu wuxuu  ku ammaanay musharaxiinta uu la kulmay taageeradii ay ay u muujiyeen, waxa uuna sheegay in mar walbo uu u baahan yahay taladooda iyo taageeradooda uuna soo dhaweyn doono.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Sidoo kale kulamo la qaatay Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada oo hada intooda badan ku sugan magaalada Muqdisho, marka laga reebo Madaxweynaha Juballand Axmed Madoobe.

Comments are closed