Madaxweynaha Mareykanka oo ku hanjabay in uu soo rogi doono amaro cusub

trupmMareykanka (estvlive) 11//02/207

Khamiistii dhaweed ayeey maxkamada federaalka darajada 9aad ee racfaanka Mareykanka diiday amarkii uu madaxweynaha Mareykanka Trump uu uga joojiyey qaxootiga iyo muwaadiniinta ka soo jeeda 7 wadan in ay soo galaan Mareykanka.

Guddi ka koobnaa sadex garsoore oo ka tirsan Maxkamada Racfaanka ee San Francisco ayaa si wada jir ah u diiday racfaan ay Waaxda Caddaalada Mareykanka ka qaadatay todobaadki hore go,aanki garsooraha maxkamada Seattle James Robart uu ku hakiyey g,aankii madaxweynaha.

Trump ayaa ku soo qoray bartiisa twitter-ka hadal uu kaga jawaabay go,aanka maxkamadda, Waxaan isku arki doonnaa maxkamada, amniga wadankeena wuxuu ku jiraa khatar,”Waxuuna sii raacshay waan guulaysan donaa.

Madaxweyne Trump ayaa muujiyay inuu dib ula noqonayo racfaanka uu ka qaadan lahaa go’aan maxkamad ay ku hor istaagtay xayiraadda socdaalka.

Trump ayaa saxaafadda u sheegay inuu taasi bedelkeeda soo saari doono amarro dheeraad ah oo dhanka socdaalka ah.

Wuxuu sheegay in uu “fursado badan haysto”, uuna amarka kale soo saari doono isbuuca soo socda.

Madaxweyne Donald Trump wuxuu horey u sheegay “in uusan shaki kujirin” in maamulkiisa uu ku guuleysan doono dagaalka ka dhanka sharciga xayiraada ee uu ku soo rogay 7 dal oo muslimiin ah ,

hadaba Maalinta isniinta ah ayaa la sugayaa amarada uu ku hanjabay Donald Trump inuu soo saaro, iyadoo sharcigaan dalkaan uu kala sareeyo ,iyadoo madaxwaynaha uu awood u lee yahay in uu wareegtooyin soo saaro.

 

Comments are closed