Madaxweyne Farmaajo oo kulankiisii ugu horeeyay la yeeshay danjirayaasha Jaamacada Carabta

safiiroMuqdisho (estvlive) 11/02/2017

Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa kulankiisii ugu horeeyay kula yeeshay magaalada Muqdisho danjirayaasha Jaamacada Carabta u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxa uu gudoomay dhambaallo hambalyo ah oo ay uga sideen Madaxda dalalkooda, ayna ugu bogaadiyeen xilka loo doortay ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda, iyaga oo ballan qaaday inay garab istaagayaan dowladdiisa oo heysata taageerada shacabka.

Waxaa uu Madaxweynaha uga mahadceliyay danjirayeyaashaasi iyo wafdiga Jaamacadda Carabta booqashada ay ugu yimaadeen iyo yididiilada ballaaran ee ay u muujiyeen iyo taageerada joogtada ah ee ay u fidiyeen Soomaaliya mudadii qaran-burburka, isaga oo sheegay in dowladdiisu ay hiigsaneyso hindisaha “Nabad iyo Nolol” oo ah mid deganaansho looga hirgelinayo dalka, laguna abuurayo nolol leh kobac iyo horumarin.

Madaweynuhu, waxa uu baaq ka kooban shan qodob u diray Madaxda wadamada Carabta, isaga oo u sii marsiinayay Danjirayaasha iyo Wafdiga matalayay Ururka Jaamacadda Carabta, waxaanu ahaa sidatan :

1- In loo fidiyo Soomaaliya gurmad degdeg ah si xad loogu yeelo abaarta lixaadka leh ee saameysay dadka, xoolaha iyo wax soo saarka beeraha.

2- Taageeridda Istiraatiijiyadda amni ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya .

3- Taageeridda Qorshaha dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya.

4- In Dowladaha iyo Shirkadaha Carbeed ay maalgashi ballaaran ku sameeyaan Soomaaliya, lana horumariyo kaabayaasha dhaqaallaha dalka.

5- In Dowladaha Carabta meel kasta oo joogaanba ay ku matalaan Soomaaliya, wakiilna ka ahaadaan, ilaaliyaanna xaqqeeda iyo mudnaanshaheeda.

Ugu danbeyntii, kulanka oo ku soo dhamaaday is afgarad ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda.

 

Comments are closed