Wafti Ka Socday Somaliland Oo Si Meeqaam Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay jigjiga

0000aahl1Jigjiga (estlive) 11/02/2017

Wafti balaadhan oo ka socday soomaliland oo uu hogaminayay gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna musharaxa madaxwaynaha xisbiga kulmiye ee haya talada  somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa si diiran  loogu soo dhaweeyay garoonka caalamiga ah ee garaad Wiil-waal ee magaalada jigjiga.

 

Waftigan ayaa waxaa soo dhaweeyay masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumada DDSI  oo ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka Xafiiska Beeraha iyo Horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI  marwo Sucaad Axmed faarax, Afhayeenka Golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq, wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI anha madaxa arimaha XDSHSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil,  wasiir ku xigeenka madaxtoooyada DDSI mudane Deeq Cabdilaahi Buraale iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada DDSI.

Waftigan ka socda soomaliland ee uu hogaaminayo gudoomiyaha Xisbiga kulmiye ahna musharaxa madaxwaynaha xisbiga kulmiye ee haya talada somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa ku hewelinaya masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka arimaha gudaha somaliland mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud, ku xigeenka qusuliyada somaliland ee dalka itoobiya mudane Ayaale Salaad Diiriye iyo axmed xaaji daahir oo  ah xubinka mid ah xisbiga talada haye ee kulmiye.

waftigan ka socda somaliland ayaa inta ay joogaan DDSI kulamo la qaadan doona xukuumada DDSI kulamadaasi oo ah kuwa lagu sii xoojiyano xidhiidhka wanaagsan  ee wada shaqayneed iyo iskaashi ee  ka dhexeeya somaliland iyo DDSI.

Comments are closed