2-sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu dilay dagaal ka dhacay Sh/hoose

amisonTixisiile  (estlve) 12/02/2017

Siddeed askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa oo ay ka mid ahaayeen labo sarkaal ayaa ku dhintay dagaal subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose.

 

Dadka ku dhaqan deegaannada Warmaxan iyo Tixisiile oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab weerar xoogan ku qaadeen ciidamo ka tirsanaa dowladda Soomaaliya, waxaana labada dhinac dhaxmaray dagaal leysku adeegsaday hub culus.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha hoose Abdifitaax Cabdulle Yuusuf ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay siddeed askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda oo ay ku jiraan labo sarkaal. ‘’Xarrakada Al-shabaab ayaa waxaa ay weerar ku soo qaadeen saldhig ciidamada ay ku lahaayeen agagaarka deegaannada Warmaxan iyo Tixsiile ee gobolka Shabeellaha hoose, dagaalka waxaan ku weynay oo nooga dhintay saddeed ka tirsanaa ciidamada dowladda oo ay ka mid ahaayeen labo sarkaal, labo xoogagga Al-shabaab ka tirsan ayaa ku dilay tiro kalana waan dhaawacmay ayuu yiri ‘’ guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha hoose.

Ugu danbeyntii, xarrakada Al-shabaab ayaa sheegatay in ay dagaalka ku dileen 19 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda tiro badanna dhaawac u geysteen.

Comments are closed