Al-shabaab oo ka hadashay dagaal culus oo ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose

shabaabTixsiile (estvlive) 12/02/2017

Ururka Al Shabaab iyo maamulka gobolka Shabeellaha hoose , ayaa waxaa ay guulo ka kala sheegteen dagaalo ka dhacay deegaanada Warmaxan iyo Tixsiile oo ka tirsan gobolkaasi. Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegtay 19 askari oo saraakiil ciidan iyo askar isugu jira in ay ku dileen weerarkaasi, waxaana intaasi ay ku dareen in ciidamada militriga

 

ay u badan yihiin askarta weerarka lagu dilay. Xoogaga Al-shabaab ayaa ku faanay saacad ku dhawaad in ay gacanta ku hayeen degaanadii lagu dagaalamay. Maamulka gobolka Shabellaha hoose, ayaa dhinaca kale guul ka sheegtay dagaalkaasi. Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Shabellaha hoose Ibraahin Aadan Cali (Najax) oo la hadlay

Warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay iska cabiyeen dagaalka Shabaab ay soo qaadeen. Waxaa uu sheegay in dhinaca Al-shabaab gaarsiiyeen sida uu hadalka u dhigay khasaare xoogan. Ugu danbeyntii, lama oga xogta rasmiga ah ee la xiriirta dagaalkaasi, maadaama meesha dagaalka uu ka dhacay ay aheyd meel rayidka ay ka kala carareen

Comments are closed