‘Ar Farmaajo iigeeya’ Cabdullaahi Daanyeeroow’’ oo Madaxweyne Farmaajo oo La Kulmay

2017212636224640394808667farmaajoMuqdisho (estvlive) 12/02/2017

C/llaahi Maxamuud Cusmaan oo loo yaqaano Daanyeerow oo ahaa ninkii ay ku caan baxay eraygii ahaa AR FARMAAJO II GEEYA ayaa ka hadlay kulan uu la qaatay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Isaga oo wareysi siinayay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu sheegay in uu ku faraxsan yahay inuu la kulmo madaxweynaha cusub, isagoo tilmaamay inuu muddo taageero u ahaa, horayna ugu ishaaray in la dooran doono, “ 2011 ayaan anniga ishaaray in la dooran doono, labo rakco oo sunno ayaa u dukanayay,

 

balantii alle waa u dhaliyay, hadana waa la doortay, waa ku faraxsanahay inaan la kulmo,”ayuu yiri C/llaahi Daanyeerow. Waxaa uu sheegay markii uu la kulmay ay isla hadleen, isla markaana u mahad celiyay, waxaa uu xusay inuu u sheegay in dalka iyo dadka, iyo diinta inuu difaaco, allena kula garab galo xilka lagu doortay.

Wiilkan ayaa siweyn u soo jiitay baraha bulshada, kadib markii uu markii habeenkii la doortay uu ku qeyliyay erayo ay ka mid ahaayeen AR FARMAAJO II GEEYA. Ugu danbeyntii, waxaa uu sheegay in uusan jirin wax codsi ah oo uu hor dhigay madaxweynaha cusub, laakiin marar kale oo badan dib u balameen

Comments are closed