DAAWO Gudoomiyaha Gobolka Washington Jay Inslee oo booqday Masjidka Somalida Seatle ee Abuubakar

usaWashington (estvlive) 12/02/2017

Waxaa masjidka Abuu-Bakar islamic Center ee magaaladda Seatle  Washington todabaadkaan soo booqday  masuulka ugu sareeya  gobolkaa Govrnor Jay Inslee, halkaasna uu kula hadlay Soomaalida iyo Muslimiinta kudhaqan gobolkaas.

Tan iyo  markii madaxwayne Trump uu soo saasaaray goaankii uu ku joojiyey  7 dal oo Muslimiina dadkooda inay u soo safaraan dalkaan ayaa dadka laga tirade badan yahay waxay dareemayeen in ay jiraan dad ka xun go’aankaa waxaana dalka ka socda dibadbaxyo lagu diidan yahay arintaa.

Shiikh Axmed Nuur Imaamka Masaajidka Abuubakar ayaa warbaahinta u sheegay in booqashada Gudoomiyaha gobolka ay iyaguna  hore u soo booqdeen US.State Sanator Mara Cantwell , iyo Xeer ilaaliyaha gobolkaas Mr.Bob Ferguson.

Kulankii uu nala yeeshay Gudoomiyaha gobolka Jay Inslee ayaan ugu horeen uga mahadcelinay booqashadiisa iyo saxiixii u hore noogu saxiixay in muslimiinta fasax loo siiyo labada Ciidood ee Soonfur & Carafo  taas oo  gobolkeena kaliya uu nasiib u helay Maraykanka.

Waxaan kaloo u sheegnay inaan aad maqsuud uga nahay garab istaagiisa uu u hiilinayo cadaalada  iyo taageerada dadka laga tirada badan yahay iyo waliba guushii xaakinka gobolkeenu ku hor istaagay go’aankii qaldanaa ee madaxwaynaha Trump.

Govenor Jay oo la hadlayey dadka ayaa u sheegay inay u istaagaan difaaca dadka Washinton, waxaan nahay dad nasiib badan waxaan garab taagnahay xoriyadda Diimaha iyo dadkeena Washington waan idin garab taaganahay ayuu yiri Gov. Jay Inslee.

 

Comments are closed