Ganacsatada DDSI Oo 32 Millyan Oogu Deeqay Bulshada Ay Abaaruhu Saameeyeen.

ddsiJigjiga (estvlive) 12/02/2017

Kulan ay ujeedadiisu tahay sidii ganacsatada DDSI uga  qaybqaadan lahaayeen  gar gaarka la gaadhsiinayo bulshada DDSI ee ay abaaruhu saameeyeen oo ay soo diyaariyeen ganacsatada DDSI ayaa ka dhacay madasha  shirarka ee qaryaan dhoodaan.

 

ddsi2Hadaba kulankan oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu  horeeyo  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, ganacasatada DDSI, shirkadaha iskaashatooyinka DDSI iyo odayaasha deegaanka.

Waxaana furitaankii kulanka ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sharax dheerka ka bixiyay xaalada guud ee saamaynta abaaruhu ku yeesheen qaarka mid ah bulshada DDSI iyo dadaalada ay xukuumada DDSI iyo xukuumada federalkuba u gashay sidii looga samata bixin lahaa bulshada xaaladaasi abaaraha. Madaxwaynaha ayaana tilmaamay in qorshaha xukuumada DDSI qaadatay yahay in uuna qofna u dhiman  xaaladaha abaaraha. Sidoo kale madaxwaynaha ayaa intaa ku daray inay 53 oo goobood oo ah ceelasha ay xooluhu ka cabaan lagu diyaariyay calafka xoolaha iyo cuntaba,

Ganacasata DDSI, shirkadaha  ay ka mid ka yihiin kaah iyo dahabshiil iyo hayada lacagaha yar yare e DDSI ayaa kulankaasi ku yaboohay aduun lacageed oo dhan 32 millyan oo bir in ay kaga qayb-qaadanayaan gar gaarka la gaadhsiinayo bulshada DDSI ee ay abaaruhu saameeyeen. Waxaana halkaa lagu doortay xubno gudiga abaaraha ah

Comments are closed