Guddoomiye Cirro oo si adag uga soo horjeestay Saldhiga Militariga ee Berbera laga samaynayo  

ciroHargeysa (estvlive) 12/02/2017

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa si adag uga hadlay mawqifkiisa ku aadan saldhiga Milatari ee Xukuumadda Somaliland ay dawladda Imaaraadka ka siisey magaalada Berbera. Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa sidan ku sheegay mar uu xalay qaar ka mid ah warbaahinta uu kula hadlaayey magaalada Hargeysa,

 

waxaana uu ugu horreyn uu sheegay in uu la mawqif yahay bayaankii Xisbiga WADDANI iyo dhawaaqii ka soo yeedhaayey xildhibbaanada Xisbigaasi ugu jira Golaha Wakiilada ee liddiga ku ahaa saldhiga Milatari ee Imaaraadka “maadaama xildhibbaanada Golaha Wakiilada ee iyagu na ka soo jeeda Xisbiga WADDANI ay caddeeyeen mawqifkooda una caddeeyeen shacbiga reer Somaliland, waxaan aniga oo ah guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI waxa aan shacbiga reer Somaliland u caddeynayaa in aan la mawqif ahay Xisbiga iyo weli ba xildhibbaanada ka soo jeeda Xisbiga WADDANI ee Golaha Wakiilada ee caddeeyey in aan saldhiggaas Milatari wax dan ahi ugu jirin.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro “Muwaadin kastaa ha isweydiiyo muxuu innoo soo kordhinayaa saldhigani!!. Ma magac, ma maamuus, ma qiime mise Ictiraaf. Intaas oodhan jawaabtoodu waxa weeye midna innooma soo kordhinaayo.

Waxa jirta in dawladda aynu saldhiga siineynaa, waxa ay u aqoonsan tahay Somaliland qeyb ka mid ah Somaliya, sidaas daraadeed magac, maamuus iyo qaranimo mid innoogu soo kordheysaa midna ma jiro.”ayuu raaciyey hadalkiisa. Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, waxa kale oo uu meesha ka saaray in saldhiggaasi uu dhaxal u lee yahay caruurta Somaliland ee mustaqbalka dambe isaga oo tilmaamay in saldhiggaasi uu saameyn khatar ku yeelan doono mustaqbalka Somaliland, waxaana uu yidhi: Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro),

waxa kale oo uu ka hadlay saameynta colaadeed ee uu saldhiggaasi ka sababi karo guud ahaan gobalka iyo wadamada ku hareeraysan gacanka cadmeed oo uu sheegay in khatar colaadeed ay ka iman karto wadanka Yeman ee uu ka socdo dagaalka u dhaxeeya iyaga iyo dawladda Imaaraadka. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa kale oo uu sharci darro ku tilmaamay in labada Gole Baarlamaan la horkeeno heshiiska la gelaayo Imaaraadka, isaga oo xusay in Golaha Wakiiladu xaq u lee yahay ansaxinta wixii heshiisyo ah. Guddoomiye Cirro, waxa kale oo uu Baarlamaanka Somaliland uu ka codsaday in aanay dhuuni ka dooranin danta qaranka balse ay magac ka raacaan oo ay shacabka Somaliland ka difaacaan wixii hagardaamo ku keenaya., waxaana uu yidhi: “Mudaneyaaal, maanta xilku idinka ayuu idin saaran yahay,

waajibaadka Baarlamaanada na waxa ka mid ah in ay Xukuumadda daba-galaan oo wixii ka xun ay toosiyaan, in ay ku shaqeeyaan dareenka dadka shacabka ay metalaan, waxaana ay ila tahay in maantaama magac baydin qaadan doontaan ama naaneys xun baydin qaadan.”

Comments are closed