Madaxweyne Siilaanyo oo maanta ka qaybgalaya fadhiga labadda gole iyo xisbiga WADANI oo ku baaqay mudaaharaad

hargeysaHargeysa (estvlive) 12/02/2017

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa maanta ka qaybgali doonno fadhi ay labadda gole baarlamaan yeelan doonaan oo madaxweynuhu dalbaday. Inkastoo wali la ogayn waxyaalaha uu kaga hadli doono, hadana waxa wararka qaar sheegayaan in la iskugu yeedhay inuu baarlamaanka ka dalbaddo ansixinta heshiishka ay xukuumaddu la gashay imaaraadka carabta oo saldhig ka kireysanayasa magaalada Berbera, halka wararka kale sheegayaan in

 

madaxweynuhu labadad gole ka hor jeedinayo khudbad sanadeedkiisa oo uu kaga hadli doono arrimo badan oo khuseeya Somaliland. Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro ayaa isagu sheegay in waraaqda lagaga dalbanayo aanay ku xusnayn waxa la iskugu yeeray, waxaanu si adag uga hor yimid saldhiga military oo uu sheegay in madaxweynuhu doonayo inuu jujuub ku jiidhsiiyo labadda gole maadaama oo ujeedada kulankaasi aanu

madaxweynuhu xusin. Gudoomiiyaha golaha Wakiilada iyo xisbigiisa WADANI ayaa shacabka reer Hargeysa ugu baaqay mudaharaad lagaga soo horjeeddo saldhigaasi inay ka hor dhigaan baarlamaanka hortiisa, isla markaana muujiyaan sida aanay raali uga ahayn saldhigaasi oo uu sheegay inay dhibaato u keeni karto shacabka Somalilnad. Mudaharaadkan uu soo abaabulayo, isla markaana shaaciyey xisbiga wadani ee loogu magac daray ha loo hiiliyo baarlamaanka iyo danta qaranka ayaa xukuumadduna illaa xalay isku diyaarinaysay inay ka hortagto,isla markaana dadka ka dhaadhiciso in aan wax mudaharaad ah la samayn, iyadoo waalidka lagu guubaabinayey in caruurtooda guryahooda ku haystaan oo aan lagala bixin. Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaaa midi midi ku taag ah, waxaanay la dhawrayaa saacadaha soo socda siday wax u dhacayaan in mudahraadkaasi qabsoomo iyo in ta xukuuumaddu hirgaliso oo heshiishkaasi meel marsato.

Comments are closed