Al-shabaab oo xalay weeraray saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin gobolka Shabeellaha dhexe

shabaab]Jowhar (estvlive) 13/02/2017

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Qalimow oo qiyaastii 30Km u jira Jowhar.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaankaas.

 

Illaa saddex ruux oo dhinacyadii dagaalamayay ayaa ku dhintay dagaalka, halka afar kalena ku dhaawacmeen oo ahaa dad rayid ah.

Dagaalyahanadii soo weeraray deegaanka ayaa la sheegay inay dib u laabteen, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidanka dowladda.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, ayna cabsi weyn la soo deristay, balse xaalada ay iminika tahay mid degan.

Ugu danbeyntii deegaanka Qalimoow ayaa u dhaxeeyaa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

 

Comments are closed