DAAWO-Muqaal-Warbixin Madaxweynaha Itoobiya Wafdi uu Hogaamin Jigjiga Siweyn Loogu Soo Dhaweeyay

Jigjiga (estvlive) 13/02/2017

 

 

Waxaa galinkii danbe ee maanta garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee garaad wiilwaal airport si heer sare ah loogu soo dhaweeyay madaxwaynaha JDFI mudane Dr Mulatu Tosheme iyo wafuud uu hogaaminayay, waxaana si meeqeem sare leh usoo dhaweeyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  Wasiirka wasaarada  gaashaandhiga JDFI mudane Siraaj Fergesa, abuunduulaha guud  ee ciidanka difaaca qaranka dalkeena itoobiya mudane jeneral Samora Yohanis, Taliyaha ciidanka difaaca qaranka dalkeena itoobiya ee koonfur bari Literal jeneral Abraham Wolde Mariam, Maxadwaynaha JDFI  ayayna salaam sharafeed kusoo dhaweeyeen ciidanka difaaca qaranka dalkeena. Sidoo kale waxaa madaxwaynaha garoonka kusoo dhaweeyay odayaasha deegaanka iyo kooxaha fanka deegaanka.

 

mul04Sidoo kale waxaa galinkii horee maanta si heer sare ah loogusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee garaad wiilwaal airport Wasiirka wasaarada  gaashaandhiga JDFI mudane Siraaj Fergesa, abuunduulaha guud  ee ciidanka difaaca qaranka dalkeena itoobiya mudane jenerala Samora Yohanis,  Wasiirka wasaarada gaadiidka JDFI mudane Axmed Shide iyo masuuliyiin sare ah oo heer federal ah islamarkaana ka qaybgali doona xuska maalinta ciidanka difaaca qaranka dalkeena itoobiya.

Hadaba masuuliyiintan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalimiga ah ee garaad wiilwaal airport kusoo dhaweeyay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq, Taliyaha ciidanka difaaca qaranka dalkeena itoobiya ee koonfur bari Literal jenerala Abraham Wolde Mariam, masuuliyiin sare oo heer deegaan ah iyo masuliyiin ciidanka difaaca qaranka dalkeena ah,

Sikastaba ha ahaatee masuuliyiintan ka socaday JDFI ee uu ugu horeeyo madaxwaynaha JDFI mudane Dr Mulatu Tosheme iyo wafuudan kala duwan ee lagusoo dhaweeyay garoonka caalimiga ah ee garaad wiilwaal airport ayaa uyimaaday inay ka qaybgalaan xuska maalinta ciidanka difaaca qaranka dalkeena itoobiya oo maalinta bari ah ka dhaci doona deegaankeena.

Comments are closed