Enjineer Camey: Cali Khaliif hadii taageerayaal uu haysto gaari Nooha ah kuma galeen Hargaysa

cameeyGaroowe (estvlive) 13/02/2017

Madaxweyne ku  xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa si kulul uga hadlay hadal dhawaan ka soo yeeray Hogaamiyaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ,kaasi oo ahaa in cadow-ga kaliya ee ay leeyihiin ay tahay Puntland.

Cali Khaliif ayaa isaga oo ku sugan dalka Jabuuti sheegay in Somaliland iyo Khaatumo ay u  midoobi doonaan sidii la isaga difaaci lahaa Puntland oo muran dhanka xuduud-dka ah uu kala dhaxeeyo Somaliland.

“Horey ayaan waxaan u iri Khaatumo xun iyo Khaatumo wanaagsan bey leeyihiin dadka Sheegta reer Khaatumo ,Marka waxaa ilaah mahad-dii ah in kuwa Khaatumada xun ahaa ay banaanka isa soo dhigeen “ ayuu yiri Eng. Camey oo la hadlay warbaahinta.

 

“Qoladan qaylinaysa awr un baa lagu kacsanayaa maahane , wax is-badal ahi oo uu u imaanayo ama u soo socdaa meesha ma yaaliin. Adeer dadku waa is-yaqaanaa , Siilaanyo dee Cali Khaliif waa yaqaanaa ,Marka waxa ay ila tahay nin ku yaqaan been uma sheegi kartid “ ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Waxa uu sheegay in Cali Khaliif uusan wax taageera ah ka haysan umad-da uu sheegto ,isaga oo tilmaamay in Gaari Nooha ah uu ku tagay magaalada Hargaysa markii loo diiday in uu ka dhoofo degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn.

“Cali Khaliif hadii uu haysto dad taageerayaal ah dee waa la arki lahaa , isaga oo kaligii ah ayuu gaari Nooha ka raacay Buuhoodle, marka aaway dadka uu haysto “ ayuu mar kale xusay ,isaga oo sheegay in uusan ogayn waxa hadda ay Somaliland ka faa’iidayso la hadalka Cali Khaliif.

Ugu danbayn madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in dhulka Puntland ka maqan ay ku raadinayso xal walba oo laga maarmi waayo ,isaga oo sheegay in maamulka Puntland uusan ka tanaasuli doonin taako ka tirsan dhulka uga maqan dhanka Somaliland.

 

Comments are closed