Maalinta raadiyowga ee caalamka oo ku beegan maanta

radeoMuqdisho (estvlive) 13/02/2017

Maalinta raadiyowga ee caalamka ayaa ku beegan maanta, maanta oo ay taariikhdu tahay 13ka Febraayo.

Maanta oo kale sanad walba ayaa waxaa la xusaa ahmiyada raadiyaha uu ku leeyahay baahinta wararka iyo xogta muhiimka ah caalamka.

 

Si kastaba ha ahaatee dhawaan ayaa waxaa soo batay dadka aanan dhageysan aalaaba idaacadaha balse wararka ka aqrista baraha internetka. Internetka ayaa yareynaya dadkii dhageysan jiray idaacadaha tiradooda.

Si kastaba ha ahaatee, idaacadaha ayaa dhageysigoodu wali ahmiyad ay leedahay gaar ahaan markii aadan rabin inaad war aqriso balse aad dooneyso adoo dhan u jiifa indhahana ay kuu daboolan yihiin inaad wararka lasocoto!

Soomaalida ayaa wali aad u jecel dhagaysiga raadiyeyaasha. Gudaha Soomaaliya iminka waxaa ku yaala idaacado badan.

Caasimada Muqdisho oo qura waxaa ku yaalada tobanaan idaacadood.

 

Comments are closed