Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya oo xalay ku geeriyooday Muqdisho

muqdisho xMuqdisho (estvlive) 13/02/2017

Waxaa habeennimadii xalay ku geeriyooday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya, kaa oo lagu magacaabi jiray Saciid Xassan Geedi.

Xildhibaanka ayaa qeyb-galin doorashadii madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo la xanuunsanayay cudurka dhiig-karka, sida ay sheegeen qaar ka mid ah eheladiisa oo warbaahinta la hadlay.

 

Saciid Xasan Geeddi ayaa ku soo biiray Baarlamaanka Soomaaliya xilligii 2012, sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaanadii dhowaan dib loo doortay ee doorashadooda ka dhacday magaalada Muqdisho.

Waxaa uu horay uga mid ahaa Saraakiishii ciidamada xoogga dalka, xilligii dowladdii kacaanka waxaa uu darajada ciidanimo ka gaaray Jeneraal.

Ugu danbeyntii, waa xildhibaankii labaad oo la soo doorta oo geeriyooda, waxaa ugu horeeyay Xildhibaan lagu doortay garowe oo maalmo kaddib xanuun u dhintay, hase ahaatee kursigii uu ka dhintay xildhibaankaas ayaa dib loo doortay.

 

Comments are closed