DAAWO-Muqaal-Warbixin Jigjiga oo lagu Qabtay Xuskii 5aad Maalinta Ciidanka Qaran Itoobiya

16735985_1894500614160980_938300949_nJigjiga (estvlive) 14/02/2017

Waxaa maanta guud ahaanba dalka itoobiya gaar ahaana DDSI si balaadhan looga xusay maalinta Ciidanka qaranka itoobiya oo ah markii 5aad ee Xuskan qaran ka dhaco dalka. Sidoo kale ka sakow caasimada DDSI waxaa si aad saraysa looga xusay Munaasabada qaran ee maalinta dhamaan gobolada iyo degmooyinka deegaanku ka kooban yahay.

 

Haddaba waxaa munaasabad si heer sare aha loo soo agaasimay ay ka dhacay garoonka wayn ee badhtamaha xarunta deegaanka waxaana ka soo qayb galay munaasabada xuska maalinta calanka dalka masuuliyiinta xukuumada Federaalka Itoobiya ugu saraysa oo uu ma mid yahay madaxwaynaha JDFI mudane Dr Mulatu Tosheme iyo wafuud uu hogaaminayay, waxaana si meeqeem sare leh usoo dhaweeyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  Wasiirka wasaarada  gaashaandhiga JDFI mudane Siraaj Fergesa, abuunduulaha guud  ee ciidanka difaaca qaranka dalkeena itoobiya mudane jeneral Samora Yohanis,Taliyaha ciidanka difaaca qaranka dalkeena itoobiya ee koonfur bari Literal jeneral Abraham Wolde Mariam, iyo

 

Madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar ku xigeenadiisa, golaha wasiirada DDSI saraakiisha ciidamada qaranka, ciidamada qaranka ee ka hawlaga bariga dalka itoobiya saraakiisha ciidamada liyuu booliska, Ciidanka Qaranka, fanaanin, Odoyaal-dhaqameedka, shaqaalaha dawlada, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo kooxaha fanka iyo suugaanka ee DDSI.

Munaasabadan xuska maalinta Ciidanka Qaranka Itoobiya Ayaa waxaa khudbad dheer ka soo jeediyay madaxweynaha dawlad deegaanka somalida itoobiya mudane cabdi maxamuud cumar oo ka warbixiyay Xuskan ahmiyada ay u leedahay deegaanka isla markaana gobta xuska logu qabtay xuska 5aad maalinta ciidanka qaranka itoobiya ay aheyd goobo ciidamada ay fadhin jireen maantana ay tahay goobo ay hormar xawaaro badan ay ka socdaan.

 

Waaxaa kaloo halkaasi ka hadlay Abuunduulaha Guud  ee Ciidanka difaaca Qaranka Dalkeena itoobiya mudane jeneral Samora oo ku amaanay xukumada dawlad deegaanka somalida oo ku caan baxday soo dhaweynta marti galinta heerka sare islamarkaana maanta ay marqaati a hiyiin in magaalada jigjiga ay si heer sara ah u marti galisay xuska 5aad ee maalinta ciidanka qaranka itoobiya ayna ciidamada qaranka itoobiya ay soo hoyiyeen guuo wax ku ool ah.

 

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay madaxweynha dalka itoobiya Mudane Dr Mulatu Tosheme oo khudbad dheer halkaasi ka jeediyay isla markaana Ciidamada Qaranka Itoobiya kula dardaarmay islamarkaana uu gudoonsiyay Abaal marino kala duwan uu gudoon siyay Cidamada qaranka oo ay howlgalo kala duwan ka sameeyay dalka iyo gaar haan somaliya iyagoo guulo wax ku ool ah kasoo hoyiyay howlgaladii lagula jiray kooxda al-shabab ay dagaal kula jireen halkaasi oo abaalmarino la gudoon siyay.

16684215_1518957034811838_1598096536258469397_nUgu dambeyntii, Magaalada jigjiga ayaa waxey marti galisaa xusaska waaweyn ee heer qaran islamarkaana ku caan baxday soo dhaweynta martigalinta

Comments are closed