DAAWO USA: Kulankii Trump iyo Raysalwasaaraha Canada Trudeau – VIDEO

Trump-Trudeau2Mareykanka (estvlive) 14/02/2017

Raysalwasaaraha Canada Justin Trudeau oo booqasho ku tagay dalka Maraykanka ayaa markii ugu horeysay kulan fool ka fool ah la yeeshay Madaxweynaha cusub ee Donald Trump.

Kulanka labada hogaamiye ayaa lagu tilmaamay mid xiiso lahaa maadaama labadan nin ay si weyn ugu kala fog yihiin dhinaca siyaasada, balse Canada ayaa ah dalka koowaad oo uu Maraykanka ganacsiga kala dhaxeeyo.

 

Labada hogaamiye ayaa sheegay inay ka wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ganacsi iyo iskaashigooda, walow ay sheegeen inay weli ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan oo ay kamid tahay qaabka loola dhaqmo dadka Qaxootiga iyo soogalootiga ah.

Dalka Canada ayaa horey u sheegay inuu soo dhaweenayo dadka Qaxootiga ah oo ka casbi qaba xukuumada Trump oo sheegtay inay tarxiili doonto dad badan oo sharci daro ku jooga Maraykanka.

Shir jaraa’iid oo ay si wada jir ah u qabteen labada hogaamiye ayey ka akhriyeen qoraalo horey loo soo diyaariyey, iyadoo ay muuqata Donald Trump inuu is xakameenayo isla markaana ka gaabsaday hadaladii ahaa inuu la dagaalamayo Islaamka xagjirka ah balse ku bedalay inay la dagaalamayaan kooxda ISIS ama daacish.

Waxayna su’aalo kooban uga jawaabeen 4 suxufi oo ka kala socday saxaafada Maraykanka iyo Canada.

Comments are closed