Kaaliyihii dhanka ammaanka ee Trump oo is casilay

flynnMareykanka (estvlive) 14/02/2017

Kaaliyihii dhanka ammaanka ee madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa isu casilay xiriirkii uu Ruushka la sameeyay, sida uu shaaciyay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa wakhti aan fogayn sheegay “in uu qiimaynayo” xiriirkii uu kaaliyihiisa dhanka ammaanku la yeeshay danjiraha Ruushka, sida uu sheegay Aqalka Cad.

Michael Flynn ayaa aad loo falanqeeyay iyadoo bartanka lagaga jiro warar sheegaya in uu safiirka Ruushka kala hadlay xayiraadaha Ruushka saaran ka hor caleemo saarkii madaxweynaha.

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence ayaa meel fagaare ah ku diiday eedaymahaas isaga oo u hadlaya Michael Flynn oo ah jeneraal hore oo shaqada ka fariistay.

 

Flynn ayaase Aqalka Cad u sheegay in laga yaabo in laga wadahadlay xayiraadaha Ruushka saraan.

Flynn ayaa ka raaligeliyay madaxweyne ku xigeenka jahwareerka ku saabsan wadahadalkii uu la yeeshay safiirka Ruushka Sergei Kislyak.

Politico ayaa ku waramay in Jared Kushner oo dhanka midig ka muuqda oo ah wiilka uu sodogga u yahay Trump in uu doonayo in uu badalo Michael Flynn oo bidix ka muuqda,Lahaanshaha sawirkaAFP
Image captionPolitico ayaa ku waramay in Jared Kushner oo dhanka midig ka muuqda oo ah wiilka uu sodogga u yahay Trump in uu doonayo in uu badalo Michael Flynn oo bidix ka muuqda,

Waa sharcidarro in shaqsiyaaad muwaadiniin ah ay si iskood ah faraha ula galaan dublamaaasiyadda Maraykanka, taleefanadaasna waxay ku aadanaayeen dhamaadkii sanadkii hore ka hor inta aan Flynn loo magacaabin in uu maamulka ka mid noqdo.

Afhayeenka Aqalka Cad Sean Spicer ayaa galinkii dambe ee Isniintii sheegay “In madaxweynuhu qiimaynayo xaaladda”.

Danjiraha Maraykanka ee Ruushka Sergei Kislyak (midig), oo kula kulmaya madaxweynaha Ruushka Dmitry Medvedev meel u dhaw Mosko sanadkii 2009Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionDanjiraha Maraykanka ee Ruushka Sergei Kislyak (midig), oo kula kulmaya madaxweynaha Ruushka Dmitry Medvedev meel u dhaw Mosko sanadkii 2009

Waa maxay aragtida madaxweynuhu?

Trump wali meel fagaare ah kagama uusan hadlin arrintan muranka dhalisay, laakiin Flynn ayay Sabtidii iyo Axaddii isla joogeen Florida.

Flynn ayaa sidoo kale ka soo muuqday safka hore ee shirkii jaraa’id ee madaxweyne Trump iyo ra’iisalwasaaraha Kanada Justin Trudeau ay qabteen Isniintii.

TrumpLahaanshaha sawirkaREUTERS

Trump oo labo saxafi siiyay fursad ay su’aalo ku waydiin karaan ayaan su’aaasha Flynn la waydiinin sidaas ayuuna kaga baxsay jahwareerkan taagan.

Afhayeenka Aqalka Cad, Sean Spicer ayaa la waydiiyay in madaxweynuhu uu ogaa in Flynn uu safiirka Ruushka kala hadlay arrimaha xayiraadda, Spicer ayaana yiri “maya, arrintaasina sinaba uma dhici karto”.

My Flynn ayaa sawirkan laga qaaday 2015kii isaga oo la cashaynaya madaxweynaha Ruushka Vladimir PutinLahaanshaha sawirkaAP
Image captionMy Flynn ayaa sawirkan laga qaaday 2015kii isaga oo la cashaynaya madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin

xigasho bbc

 

 

Comments are closed