Madaxweyne Farmaajo oo mar kale la kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya

16711777_1232358323478320_7023387581688318584_nMuqdisho (estvlive) 15/02/2017

Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Soomaaliya Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta mar kale xarunta madaxtooyada kula kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud , waxaana sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Prof Max’ed Cismaan Jawaari.

2017215636227604559385883kulan3Kulankan oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa looga hadlay xaalada dalka uu marayo, xil wareejinta lagu wado inay dhacdo maalinta berri.

Waxaa sidoo kale laga wada hadlay munaasabada caleema saarka oo lagu wado inay dhacdo 22ka bishan oo ku beegan arbacada soo socda iyo qaban qaabada dowladda ku jirto.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa ku guda jira maalmihii u dambeysay ee Villa Somalia, iyadoo lagu wado in maalinta berri uu wareejiyo xafiiska.

Ugu danbeyntii, kulamadan ayaa qeyb ka ah talaabooyinka loogu sii gogol xaarayo sidii madaxweynaha cusub ula wareegi lahaa xafiiska madaxtooyada Soomaaliya oo uu sii baneynayo madaxweynihii hore Xassan Sheekh Max’uud.

 

Comments are closed