Cali Khaliif Galeyr oo ka degay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool –

2017216636228336059215637khaliif3o2Laascaanood (estvlive) 16/02/2017

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo wefti uu hogaamnayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Laascaanood ee xaruta gobolka Sool.

2017216636228340632467407khaliif3o67Dadweyne tiro badan, Masuuliyiin heer gobol iyo waxgarad kala duwan ayaa safnaa Garoonka dacaladiisa iyadoo Calanka Buluuga ah iyo ka Khaatumo ayaa u badnaa waxyaabaha indhaha bulshada ku cusbaa iyadoo ciidamada ammaankuna ay goobtaas ammaankeeda si adag u sugayeen.

2017216636228341333479763khaliif7Galaydh oo ay weheliyaan xubnihii maamulkiisa uga qayb galay shirkii wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo ee dhowaanta ka dhacay wadanka Jabuuti ayaa u boqoolay dhimaca Magaaladda Widhwidh oo hilaada 100Km. galbeed kaga aadan Magaaladda Laascaanood.

Cali Khaliif Galaydh ayaa warbaahinta hadal kooban kula hadlay soo degidiisii ka dib, waxaanu sheegay in ay u socdeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen xaaladaha colaadeed ee ka jira gobolka Sool qaybo ka mid ah.

Galaydh waxa uu intaas ku daray in wadahadaladii ay la lahaayeen Somaliland uu qorshihiisu ahaa inay u wadahadlaan laba maamul, balse buu yidhi kama muuqato Somaliland, taasina in ay geedi socodka nabada ay ragaadinayso,

“Waan la soconaa amaandarada ka jirta magaalada Laascaanood wax loo dulqaadan karona maaha” ayuu yidhi galaydh in laga shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa.

2017216636228339782601376khaliif3o5Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Gobolka Sool, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Wasiir u duulaha Waxbarashada ayaa halkaas ku soo dhoweeyey Cali Khaliif Galaydh.

Safarka Cali ee magaaladda Laascaanood oo 12 sano ka hor ugu danabaysey ayaa ahaa mid si weyn loo soo agaasimey waxaase jirey dadwene kale oo diyaar u ahaa sidii ay rabshado ugala hortegi lahaayeen hadii uu yimaado Laascaanood taasna waxaa la sheegayaa in masuuliyiinta maamulka Somaliland ay ka hortageen markii ay Galaydh iyo weftigiisa u horkeceen dhinaca magaalada Widhwidh oo saldhig u ahaan doonta Maamulka Cali.

Comments are closed