DAAWO USA: Trump oo si diiran usoo dhaweeyey Benjamin Netanyahu – VIDEO

trump-netan-740x444Mareykanka (estvlive) 16/02/2017

Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu oo booqasho ku tagay magaalada Washington DC ayaa kulankii uu la yeeshay Donald Trump ku tilmaamy mid dib loogu soo nooleenayo xiriirkii wanaagsanaa ee labada dhinac ka dhaxeeyey.

Netanyahu ayey horey xurguf ugala dhaxeysay Xukumadii hore ee Barack Obama oo marar badan cambaareysay qorshaha xukuumada Israel iyo dhul boobka ay ka wado Deegaanada Falastiiniyiinta doonayaan inay mustaqbalka ka sameystaan dalkooda u gaarka ah.

 

Donald Trump ayaa khudbad uu soo jeediyey xiligii uu qaabilayey Netanyahu ayaa sheegay inay u taal Israel iyo Falastiiniyiinta inay iyagu ku heshiiyaan inay noqon doonaan Hal dal ama labo dal, arrintan oo wax weyn ka bedaleysa fikirkii siyaasadeed ee Maraykanka oo horey u taageersanaa in labo dal oo kala gaar ah ay noqdaan.

Trump oo aan khibrad badan ullahayn arrimaha siyaasada dibada iyo waliba xiisada ka taagan Bariga Dhexe ayaa wakiilkiisa u qaabilsan wadahadalada bariga dhexe u magacaabay wiilka uu Sodoga u yahay oo isaguna ah nin Yuhuud ah oo ay saxiibo dhaw yihiin Benjamin Netanyahu, sidoo kale Safiirka cusub ee Trump u magacaabay Israel ayaa ah nin maalgelin jiray dhul boobka lagu wado Falastiiniyiinta.

Dhinaca kale Donald Trump oo ay xiligan heysato xiisad siyaasadeed ee ka dhalatay sir laga helay in xubnaha kamid ahaa ololihiisa doorashada ay xiriir qarsoodi ah lalahaayeen Dowlada Ruushka, ayaa diiday inuu wax jawaab ah saxaafada ka siiyo arrintaasi.

Comments are closed