Madaxweyne Farmaajo oo maanta xilka kala wareegaya madaxweynihii hore

Screenshot_20170216-075118Muqdisho  (estvlive) 16/02/2017

Waxaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya ka socta qabanqaabadii ugu danbeysan munaasabada xil wareejinta madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xafiiska kala wareegaya madaxweynihii hore Xassan Sheekh Maxamuud.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Shador Xaaji Maxmuud oo VOA da la hadlay ayaa sheegay in maanta galinka hore ka dhici doonto xarunta madaxtooyada munaasabada xil wareejinta.

Madaxweynaha cusub ayaa marka uu xafiiska la wareego la filayaa in uu si rasmi ah u bilaabo howlihiisa shaqo, waxaana xarunta ka guuraya oo baneynaya madaxweynihii hore Xassan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay tagay Xarunta Madaxtooyada, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweynihii hore iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyagoo ka wada hadlay xaalada dalka uu marayo iyo qaabka ay u dhaceyso munaasabada xil wareejinta.

Waxaa muuqata in la kala qaaday munaasabada xil wareejinta iyo caleema saarka, iyadoo 22-ka bishan ay dhaceyso munaabada caleema saarka Madaxweyne Farmaajo, kaasoo ay ka soo qeyb galayaan wafdi caalami ah.

Ugu danbeyntii, Afar sano ka hor ayeey aheyd markii sidan oo kale Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed uu xafiiska Madaxtooyada ku wareejiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo 2012 ku guuleystay doorashadii madaxweynaha ee ka dhacday magaalada Muqdisho.

Comments are closed