Syria: Maraykanka oo ka fekeraya inuu ciidamo u diro Siiriya

mattis-740x602Siiriya (estvlive) 16/02/2017

Wasaarada Gaashaandhiga ee Maraykanka ayaa la sheegay inay daraasad ku wado ciidamo ay u diraan gudaha dalka Siiriya si ay ulla dagaalamaan kooxda Daacish.

Arrintan ayaa ah mid si weyn uga duwan Siyaasadii Maraykanka ee ku aadaneyd Siiriya, dowladii hore ee Obama ayaa ka gaabsatay inay ciidamo dhulka ah u dirto dalka Siiriya oo ay ku dagaalamayaan kooxo badan oo kala duwan.

 

Maraykanka oo horey duqeyn xoogleh ugu waday kooxda Daacish iyo waliba kooxda kale ee Al Nusra ayaa hada muuqataa inuu doonayo inuu sidoo kale kala dagaalamo dhanka dhulka.

Qorshahan ayaa waxaa la yimid Xoghayaha cusub ee Gaashaandhiga Maraykanka James Mattis oo loo yaqaan (Mad Dog Mattis) oo ah nin si weyn u jecel in Maraykanka sii balaariyo kaalinta uu ku leeyahay dagaalada ka socda barriga dhexe.

Waxaa la ogeyn qaabka Maraykanka uga dagaalami karo gudaha Siiriya maadaama ay halkaasi ku sugan yihiin kooxo badan oo iska soo horjeeda, sida mucaaridka hubeysan, xukuumada Bashaar al Assad iyo huwantooda gacanta siinaya ee Xisbullah & Ruushka. Halka dhinaca kalena ka dagaalamayaan Daacish iyo kooxaha kale ee Jihaadiga ah oo iyaguna dagaal kale kala dhaxeeyo kurdida iyo Turkiga oo laftooda dhexdooda ka dagaalamaya.

Comments are closed