Xafladda xilwareejinta Madaxweynaha oo maanta ka dhacaysa Villa Somaliya

framaajoMuqdisho (estvlive) 16/02/2017

Qaban-qaabada iyo diyaar garowga xafladda xil-wareejinta ayaa maanta oo Khamiis ah ka dhacaysa xarunta Madaxwtooyada ee Muqdisho.

 

Madaxweynaha dhawaan la doortey Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa tan iyo markii la doortey deganaa Hotel Al-jazeera ee ku dhaw garoonka diyaaradaha Muqdisho halkaas oo u ahayd xarun kumeel-gaar ah oo uu ku shaqeynaayey.

Madaxweynaha ayaa maanta si toos ah ugu soo guuraya Villa Somalia, halka laga sagootinaayo Xasan Sheekh Maxamuud

Waxaa lagu wadaa Arbacada danbe taariihdu markey tahay 22 Febaraayo in ay dhacdo xaflad kale oo ah caleema saarayo Madaxweynaha taas oo lagu wado in ay ka soo qayb-galaan madax ka socota caalamka.

Comments are closed