Malaysia oo Kuuriyada Waqooyi ka dalbatey cadddeyn DNA ah, meydka Kim Jong-Nam

kim (1)Mayeysia (estvlive) 17/02/2017

Qoyska Kim Jong-Nam ayaa laga dalbadey in ay keenaan caddeyn hidde-sidaha DNA in ay u soo gudbiyaan dalka Malaysia ka hor inta aan meydkaiisa loo qaadin dalka Kuuriyada Waqooyi, sida laga soo xiganayo Booliska. Kuuriyada Waqooyi ayaa dalbatey in meydkiisa iyaga lagu wareejiyo.

 

– Ma jiro qaar kamid ah qoyska xukuma dalka Kuuriyada Waqooyi ama qaraabadiisa u dhaw oo yimid dalka Malaysia si ay u caddeeyaan meydka Kim Jong-Nam. Waxaan u baahanahay hidde-sidaha DNA oo aan ka dooneyno qoyskiisa, ka hor inta aan meydka lagu wareejin, sidaas waxaa yiri Abdul Samah Mat oo ka tirsan ciidanka Booliska Malaysia.

Saddex qof ayaa loo qabtey dilka Kim Jong-Nam oo la dhashey Kim Jong-Un hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi waxaana uu baxsad uga maqnaa dalkiisa. Ninkan ayaa lagu diley garoonka diyaaradaha ee Kuala Lumbur. Sida ay sheegayaan sirdoonka Kuuriyada Koonfureed waxaa sumeeyey ninkan kuwo ay soo tababareen sirdoonka Kuuriyada Waqooyi.

Comments are closed