USA: Trump oo caradiisa kala dul dhacay Saxaafada – VIDEO

trump-press-740x555Mareykanka (estvlive) 17/02/2017

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo todobaadyadii lasoo dhaafay isa soo tareysay shakiga laga qabo xiriirka ka dhaxeeyey xubnaha la shaqeeya isaga iyo Dowlada Ruushka ayaa shir jaraa’iid oo uu qabtay xalay weerarkiisa la beegsaday saxaafada Maraykanka.

Trump oo markii hore qorshaha ahaa inuu soo bandhigo ninka labaad ee u magacaabayo Wasiirka Shaqaalaha kadib markii ninkii hore oo uu xilkaasi u sharaxay uu heli waayey taageerada Baarlamaanka, balse Trump ayaa inta badan hadalkiisa ka hadlay waxa uu ku tilmaamay beenta ay saxaafada ka baahiso.

 

 

Hogaamiyaha Maraykanka oo muddo hal bil ah xilka haya ayaa taageerada uu shacabka Maraykanka ka heysto la sheegayaa inay ka yartay 40%, taasi oo muujineysa caqabadaha waaweyn ee horyaal.

Wuxuu Trump hadalayey muddo ka badan hal saac isagoo markii ugu horeysay u bareeray inuu ka jawaabo su’aalaha adag ee saxaafada oo uu ka gaabsanayey maalmihii lasoo dhaafay.

Xayiraadii Muslimiinta
Qodobada uu ka hadlay Trump ayaa waxaa kamid ah Xayiraadii uu Muslimiinta saaray oo ay maxkamada Laalshay arrintaasi oo uu si caroleh uga hadlay, wuxuuna balan qaaday in todobaadka soo socda uu saxiixi doono Wareegto cusub oo lagu xanibayo socdaalka Muslimiinta.

Xiriirka uu la leeyahay Ruushka
Trump ayaa iska fogeeyey inuu yahay nin u adeegaya Ruushka isagoo sheegay inuusan wax xiriir la lahayn Dowlada Ruushka, wuxuuna ku tilmaamay been abuur xogta laga helayo Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Maraykanka oo saxaafada u sheegay inuu jiro xiriir qarsoodi ah, Donald Trump ayaa ku goodiyey inuu soo qab qaban doono saraakiisha sirdoonka Maraykanka ee xogta siiya saxaafada.

Dhaxalkii Obama
Donald Trump ayaa ku andacooday inuu dhibaatooyin badan ka dhaxlay Madaxweynihii kahoreeyey ee Barack Obama, isagoona sheegay in dhibaatooyinkaasi isugu jiraan xaalada gudaha Maraykanka iyo waliba dhibaatooyinka caalamka ka jira.

Trump ayaa hadaladiisa u muuqdeen kuwo uu kusoo cel celinayey hadaladii uu hore u sheegi jiray xiligii ololaha Doorashada, waxaana muuqatay in si isku dhex yaac sanaan ah uu caradii uu maalmahan qabay kula dul dhacay Saxaafada.

Comments are closed