Afhayeenkii hore ee maamulkii Ximin iyo Xeeb oo Muqdisho lagu dilay

2017218636229920230634956ganooooleyMuqdisho (estvlive) 18/02/2017

Waxaa goor dhaw oo maanta ah lagu dilay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho afhayeenkii hore ee maamulkii Ximin iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafeey.

Warar dheeraad ah oo ka soo baxay dilka afhayeenkii hore ayaa sheegaya in toogteen rag ku hubeysnaa dareyska ciidamada dowladda federaalka oo markiiba goobta ka tagay.

Afhayeenka maamulka Galmudug C/llaahi Xaashi Roobda’ay  oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa xaqiijiyay dilka afhayeenkii hore ee maamulkii Ximin iyo Xeeb.

Ugu danbeyntii, dilkan ayaa imanaya xili isla maanta magaalada lagu weeraray sarkaal ka tirsanaa hay’adda nabad-sugida Qaranka.

 

Comments are closed