Madaxweyne Siilaanyo oo wareegto ka soo saaray maalinta xuska dhalinyaradda Somaliland ay noqonayso

2017218636230170252413523SiilaanyoHargeysa (estvlive) 18/02/2017

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta digreeto ku soo saaray in Bisha February 20-keedda loo aqoonsado maalintiii dhalinyaradda Somaliland.

Wareegtadan uu madaxweynuhu ka soo saaray in bisha February 20-keedda sanad walba ay dhalinyaraddu si weyn u xusto, isla markaana astaan u tahay maalintii dhalinyarada.

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4570/022017 uu ku meel mariyey in maalinta 20-ka bisha Labaad (February) ee sannad walba loo asteeyey in ay ahaato maalinta Dhallinyarada Qaranka Somaliland.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed madaxtooyada ka soo baxay.

Waxaanu intaas ku daray “In maalinta 20-ka bisha Labaad (February) ee sannad walba loo asteeyey in ay ahaato maalinta Dhallinyarada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.In Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu ay hirgeliso xuska maalintaa sannadlaha ah, iyada oo kaashanaysa Hay’addaha ku shaqada leh Arrimaha Dhallinyarada.

” Maalinta February 20-keedda ayaa horaba loo xusi jirin,isla markaana Daladda ay ku bahoobeen dhalinyaradda u calaamadaysteen inay maalintaasi tahay maalinta dhalinyarada Somaliland, taas oo sanad walba laga xusi jiray.

Maalintan February 20-keedda ayaa ahayd maalintii dhagax tuurkii ugu horeeyey ee ay iskaga hor yimaadaan dhalinyaradda reer Hargeysa iyo dawladdii Maxamed Siyaad Bare, waxaana maalintaasi geeriyooday wiilkii ugu horeeyey oo ku dhinta dhagax tuurkaasi, waxaanay taariikhdu ahayd February 20,1982-kii, waxaana wakhtigaasi dhalinyaradaasi u mudaharaadeeyeen dhalinyaro aqoonyahano ah oo dawladdii wakhtigaasi xidhay, sidaas darteed maalintaasi ayaa loo aqoonsaday maalinta dhalinyaradda Somaliland.

Dhinaca kale, madaxweyne siilaanyo ayaa safar laba toddobaad qaadanay u anbaxay wadanka Ingiriiska, waxaana safarkaasi ku wehelinayey marwadiisa iyo xoghayihiisa gaar ah, waxaana noqonaysa safar u gaar ah

Comments are closed