Munaasabad lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo lagu qabtay London  

201721863623016589337919310London (estvlive) 18/02/2017

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London ayaa si wada jir ah Jimcihii xalay ahaa u qabtay munaasabad balaaran oo isugu jirtay soo dhaweyn iyo duco loo sameynayay madaxweynaha cusub ee dalka Md. Maxamed C/laahi Farmaajo kaasi oo dhawaan helay aqlabiyadda codadka labada gole ee dalka.

20172186362301647420984094Munaasabada oo ay qaban qaabadeedu socotay muddo kooban ayaa lagu muujinayay taageerada Jaaliyadda reer London ay u hayaan madaxweynaha cusub waana marki ugu horeysay ee ay si wada jir ah jaaliyaddu u qabato xaflad heerkan oo kale ah.

 

20172186362301637041782468copyDadka ka soo qeyb galay oo isugu jiray masuuliyiin dowladda katirsan iyo dadweyne kale ayaa dhammaantood muujinayay dareen ah in isbadalka dalka ka dhacay loo baahanyahay in la taageero oo si wanaagsan loo barbar istaago.

Raysil wasaarihi hore Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo madasha ka hadlay ayaa ugu baaqay dadweynaha in ay dowladda taageeraan si ay ugu guuleysato howlaha qaran ee laga doonayo in ay dadka iyo dalka u qabato.

Wasiirka caafimadka Xaawo Xasan Maxamed oo iyaga goobta ka hadashay ayaa ku dhiirigelisay dadweynaha in ay la shaqeeyaan dowladda si wax looga qabto baahiyaha dhanka bulshada ee ka jira guud ahaan dalka.

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) ayaa ka hadlay isbadalka dalka ka dhacay oo ay hormuud ka ahaayeen xildhibaanada labada gole oo ka jawaabayay rabitaanka shacabka, waxaana uu ku amaanay isbadalka ay horseedeen.

20172186362301653233561967Aqoonyahano, Abwaano iyo indheer garad kale ayaa iyagana hadalo qaayo leh iyo dardaaran goobta ka jeediyay waxaana kamid ahaa Dr. Yusuf Sh Cumar ayaa sheegay in doorashadi madaxweyne Farmaajo aysan ahayn mid ay doorteen xildhibaanada oo kaliya, balse la dhihi karo waxay ahayd doorasho guud oo dadka oo dhan ay codkooda siiyeen.

Inkasta oo qaban qaabiyaashu sheegeen in munaasabadani ay ahayd mid jaaliyadda oo dhan ay ka qeyb qaateen haddana waxaa jira warar sheegaya in qaban qaabada xaflado kale oo noocan ah ay ka socodaan magaalada London.

Comments are closed