35-Qof Dhimasho Qarax Weyn oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

qaraxaMuqdisho (estvlive) 19/02/2017

Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhintay qarax baabuur oo ka dhacay suuq yar oo ku yaalla xaafadda Kaawo Godey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Warkaas waxaa BBC-da u xaqiijiyey dad goobjoogayaal ah.

 

Saraakiisha caafimaadka ee isbitaal Madiino ayaa BBC da u sheegay in 47 qof oo dhaawacyo qaba la soo gaarsiiyay isbitaalkooda, hase yeeshee waxaa la soo sheegayaa in dad kale oo dheeraad ah ay dhaawacyada u dhinteen.

Shaqaalaha caafimaadka oo la tacaalaya dadka dhaawacmay
Image captionShaqaalaha caafimaadka oo la tacaalaya dadka dhaawacmay

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, dawladda Soomaaliyana weli kama hadlin.

Ciidamada dawladda ayaa la soo sheegayaa inay ku sugan yihiin goobta uu qaraxu ka dhacay.

xigasho bbc

Comments are closed