Jarmalka Frankfurt Oo Siweyn Looga Xusay Sanad Guuradaii 42 Aad Ee Aasaaska TPL

16809724_1897858133825228_490245138_nJigjiga (estvlive) 19/02/2017 

Waxaa Magaalada Frankfurt Lagu Qabtay Munaasabad Sanad-Guuradii 42-Aad Aaska Halgankii TPLF Ayaa Xaleyto Si Heer Sare Ah Looga Xusay Magaalada frankfurt ee Dalka Germany.

Xafladaasi Sanad Guuradan Ayaa Waxaa Kasoo Qayb Galay Madaxda Masuuliyiin sare oo ka socda Safaarada Itoobiya ee Germnay oo uu hogaaminayo Safiirka iyo Hogaamiyaasha Jaaliyadaha Dalka Itoobiya ee Germany

16837884_1897858143825227_880773336_nWaxaana Khudbado Dhiirigalin Iyo Bogaadin Leh Kasoo Jeediyay Safiirka Itoobiya U Fadhiya Dalka  Iyo Qunsulka Ahna Madax Arrimaha Qurbajoogta Itoobiya Ee Wadanka Germany.

 

Safiirk Ayaa Sheegay In Maalintan Aas Aaska TPLF Aysan Ahayn Xus Kaliya ah Balse Ay Tahay Maalin Aan Ku Faantamayno Islamarkaana Dhaxal Gal U Ah Jiilka dambe ee Dalka toobiya  Iyo Wadamada Afrikada iyo Sida Ka Go’naanshaha Leh Ay Naftoodu Ugu Hureen Sidii Itoobiya Ay Noqon Lahayd Wadan Dimuqraadi, Nabadgaliyo Iyo Horumarba Leh.

Munaasibada Ayaa Lagusoo Bandhigay Fariimo Gudbinayay Sidii Ay Halganka U Bilaabeen TPLF, kaligii taliskii Cadaadiskii adnaa ee Dergiga, Ururka TPLF Naftooda u Hurayaashii, Shacabka Itoobiya maanta waxey heleen dimuqraadiyad.

Waxaana Kasoo qeybgalay Jaaliyadda DDSI ee Germany Waxaana Halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaaliyadda DDSI Ee Germany Mudane Ingineer C/laahi Axmed Geelbeele oo sheegay in jaaliyadda ddsi ee Germany ay gaashaan u tahay jiritaanka midnimada iyo wada noolaashaha qowmiyadaha dalka itoobya ayna garab taagan tahay markasta.

16900284_1897858163825225_500339067_nWaxaa kaloo hlkaasi lagu soo bandhigay Muqaal ka turjumayo halkamayaashi TPLF iyo Sawiro (In Kabadan 60 Kun oo Laxaadkooda waayay) TPLF Ayaa Lagu Aas Aasay Deegaanka Dedabij Ee Tigrey, Waxaana Lagu Bilaabay 10 Nin Iyo 5 Qori Oo Rifle Ah Taariikhdu Markay Ahayd 1967-Dii Tirsiga Dalka Ama 1975-Tii G.C Halganka TPLF Oo Ahaa Mid Aad U Khadhaadhaa Ayaa Horseeday In Dhamaan Itoobiya Laga Takhalusiyay Cadaadiskii Iyo Cabudhintii Dergiga Taasoo Ay Dhamaan Shucuubta Itoobiya Halmeel Uga Soo Wada Jeesteen Sida EPRDF Iyo Ururadii Ku Midoobay Halgankaasi.

Ugu dambeyntii, Xafladaasi ayaa waxaa ku soo gabagabooday Guul iyo Farxad

Comments are closed