Sweden oo la yaaban hadal ka soo yeedhay Donald Trump

trumpMareykanka (estvlive) 19/02/2017

Kadib afar todobaad oo ka soo wareegay markii uu xilka la wareegay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayuu dib ugu noqdey ol-olihiisi waxaana uu isu soo bax ku qabtey Melbourne oo ku taala gobolkaFlorida. Trump ayaa ka hadley amniga waxaana uu difaacey go’aankiisi 7 dal uga mamnuucay Maraykanka kaas oo Maxkamaddu ka dhigtey mid aan jirin.

 

Mar uu ka hadlaayey amniga iyo dalalka dhibaatooyinku ka dhaceen ayuu yiri:

– Waxaad aragteen wixii ka dhacay shalay galab Sweden, hadde waa Sweden, yaa aamini kara arrintaas? Sweden, ayuu yiri Trump, kadib waxa uu ka hadley magaalooyinkii kale ee weerarada argagixiso ka dhaceen sida Nice ee dalka Faransiiska.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: Waxay soo qaateen dalalkaasi qaxooti aad u badan kadibna waxay la kulmeen dhibaatooyin aysan u maleyneyn in ay dhici karaan.

Taageerayaasha Trup uu khudbadda u jeednaayey oo jidbeysan

Donald Trump ma sheegin waxa Sweden ka dhacay waxa uu yahay, waxaana dadku is weydiinayaa waxa dhacay ee Trump sheegayo oo loo badinaayo in uu ula jeedo weerar argagixiso.

Karl Melin oo ka tirsan hay’adda nabadsugidda dalka Sweden ee SAPO ayaa wargeyska Aftonbladet u sheegay in aysan jirin wax khatar ah ama wax dhacay, isla amrkaana aysan garaneyn waxa Trump hadalkiisa ka wado.

Baraha bulshadu ku xiriirto gaar ahaan Twitterka waxaa qabsadey halkudhigga #lastnightinsweden iyaga oo si jees-jees ah ugu jawaabaya Trump, qaarkood waxay isweydiinayeen in Trump garanayo Sweden uu ka hadlaayo.

Might as well do a stand along tweet about this… Since I’m being swamped with questions about Trump’s speech.  @sweden / Emma@sweden No. Nothing has happened here in Sweden. There has not ben any terrorist attacks here. At all. The main news right now is about Melfest. ->  899899 Retweets 1,0361,036 likes

– Maya. Waxba kama dhicin Sweden. Ma jiro weerar argagixiso. haba yaratee. Wararku waxay ka hadlayaan xafladda Melfest sidaas waxaa tiri gabar kamid ah kuwa Twitterka wax ku qoray.

Dalka Sweden oo kamid ah dalalka sida weyn u ilaaliya xuquuqda aadanaha ayaa sanadkii 2015 qaaty qaxooti ka badan 200 0000 oo qof, mana jiro weeraro ragagixiso oo ka dhacay dalkaas oo lamid ah kuwii ka dhacay Faransiiska.

Comments are closed