Ganacsiga hubka oo sare u kacay

ruuskRuushka (estvlive) 20/02/2017

Warbixin cusub ayaa sheegaysa in hadda uu meeshii ugu sareysay marayo ganacsiga hubka ee caalamiga ah, tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii qaboobaa.

Mac-hadka caalamiga ah ee nabadda ee fadhigiisu yahay Stockholm (SIPRI), ayaa warbixinta ku sheegay in hubka waaweyn ee ay dowladaha caalamka soo iibsadeen intii u dhexeysay 2012 iyo 2016 uu sare u kacay boqolkiiba sideed, marka la barbar dhigo shantii sano ee ka horreysay.

Hubkaasi ayaa intiisa badan waxaa iibsaday dalalka ku yaalla Bariga Dhexe, gaar ahaan kuwa Khaliijka.

Sacuudi Carabiya ayaa noqotay dalka labaad ee ugu hubka iibsiga badan caalamka, ayadoo kaalinta koobaad ay ku jirto India.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in shan dal ay iibiyaan boqolkiiba 75 hubkaasi, kuwaasoo kala ah: Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Faransiiska iyo Jarmalka.

xigasho bbcsomali

Comments are closed