Trump oo isku dayay in uu sharaxaad ka bixiyo khudbadiisii lagu jeesjeesay

_94736089_mediaitem94735858Mareykanka (estvlive) 20/02/2017

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa laga dalbaday in uu sharaxaad ka bixiyo sababta uu u sheegay in fal ammaan darro uu ka dhacay dalka Sweden Jimcihii, kaas oon xaqiiqo ahaan waxba uga jirin.

Isaga oo Sabtidii khudbad u jeedinaya dad isu soo baxay ayuu yiri, “bal fiiriya waxa habeen hore ka dhacay Sweden” isaga oo markaas tirinayay dalal Yurub ku yaalla oo ay argagixiso ka gaysteen falal ammaan darro ah.

Maadaama uusan wax dhib ah ka dhicin Sweden Jimcihii waxay maamulka Maraykanka ka dalbadeen in uu sharaxaad ka bixiyo arrintan.

Trump ayaana Twitterkiisa ku soo qoray in uu soo xiganayay warbixin uu Telefeshin ka daawaday

Wuxuu sheegay in uu ka daawaday warbixin uu sii daayay Fox News, laakiin ma uusan sheegin goortii ay ahayd, waxaase laga yaabaa in uu ula jeeday barnaamij Fox News ka baxay jimcihii kaas oo diiradda lagu saarayay qaxootiga iyo dambiyada ka dhaca Sweden.

Inkastoo Trump ereyadiisu ay ahaayeen “bal fiiri waxa habeen hore ka dhacay Sweden” haddana Sarah Huckabee oo ah afhayeenka Aqalka Cad ayaa si gooni ah u sheegtay in madaxweynuhu uu ka waday dambiyada sii kordhaya iyo guud ahaan dhacdooyinkii u dambeeyay, isla markaasna uusan dhacdo gooni ah ula jeedin.

Ra’iisalwasaarihii hore ee Sweden Carl Bildt ayaa ka mid ahaa dadkii ku jeesjeesay Trump hadalkiisa, isaga oo ku tilmaamay in uu “wax cabay”.

Former Swedish Prime Minister Carl Bildt tweet reads:

Comments are closed