Kal-fadhigii Golaha Kabineedka DDSI Oo Furmay Magaalada Jigjiga

aqua4Jigjiga (estvlive) 20/02/2017

Waxaa saaka hoolka shirarka ee xafiiska madaxwaynaha DDSI ka furmay Kal-fadhigii caadiga ahaa ee golaha kabineega DDSI oo uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Hadaba kal-fadhigan golaha kabineega DDSI ayaa waxaa ugu horayn furay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar soona hordhigay golaha ajandaha kulankan oo ahaa waxqabadkii 6da bilood ee sanad miisaaniyeedka 2009TI ee xafiisyada heer deegaan iyadoo xooga lasaarayo xafiisyada horumarka sida biyaha, Beeraha, Waxbarashada, Caafimaadka, Jidadka iyo xafiisyada kale ee ku howlan qaybaha kaladuwan ee horumarka ka socda deegaanka iyo isticmaalka miisaaniyada, Wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray in lafuliyay qorshayaashii loogu talagalay in lafuliyo 6dii bilood ee lasoo dhaafay , Sida loo fuliyay iyo hadaan lafulinin sababta loo fulin waayay.

Kadibna golaha kabineega DDSI ayaa falanqeeyay islamarkaana kadooday waxqabadkii 6dii bilood ee lasoo dhaafay iyo waliba sidii loo sii xoojin lahaa shaqooyinka horumarka ee 2009 T.I islamarkaana loo sixi lahaa goldalooladii Jiray. Golaha ayaana cod buuxa iskulaqaatay in lasii adkeeyo geediga horumarka iyo nabadgelyada DDSI si looga midho-dhaliyo qorshaha sanadka iyo waliba qorshaha isbadalka iyo koboca dhaqaalaha wajigiisa 2,aad

Ugudanbayna, Kulankan ayaa kusoo gabagaboobay jawi wanaagsan iyo niyad kamidaysan sidii shacabka deegaanka horumar waara oo aan dib unoqosho lahayn loo gaadhsiin lahaa

Comments are closed