Agaasimihii Telefishanka STAR TV oo Ciidamadda amniga Somaliland xabsiga loo taxaabeen

2017221636232558018198945Maxamed BaasheHargeysa (estvlive0 21/02/2017

Agaasimihii telefishanka maxaliga ah ee STAR TV Maxamed Baashe Xaaji Xasan ayaa xalay ciidanka amnigu xabsiga u taxaabeen.

 

Ciidanka amniga ayaan ka hadal sababta loo xidhay iyo wuxuu daaran yahay xadhigiiisu, haseyeeshee wariye Maxamed Baashe oo ah qoraa weyn oo ka mid ah dadka la qadariyo ayaa xadhigiisa loo sibir saarayaa inuu si toos ah u cadeeyey inuu ka soo horjeeddo saldhiga Militari ee Berbera ee la siiyey Imaaraadka Carabta.

Maxamed Baashe ayaa fartiisa Facboogiisa ka cadeeyey in uu si weyn uga soo horjeeddo, isla markaana fagaarayaal la iskugu yimid sheegay in berberi hiil u baahan tahay, waxa kale oo uu bartiisa arrimaha bulshadda ee Facbooga soo dhigay mdaxiisa oo uu soo saaray oo u sheegay in wakiilka Somaliland ee Imaaraaadka Baashe Cawil uu baloodh moodi gaadhay Bidaartiisa oo uu iibsan gaadhay, waxaanu saldhiga xoog ugu dhaliilay xukuumadda iyo wakiilka Imaaraaadka Carabta Baashe Cawil.

Baraha bulshadda ayaa illaa maanta lagu cambaareynayey xadhiga agaasimaha Maxamed Baashe, waxaanu dadku u arkayeen  in aragtidii muwaadinku xaq u lahaa laga hor joogsaday, taas oo ka hor imanaysa dimuqraadiyaddii Somaliland

Comments are closed