Danjirihii Ruushka u fadhiyey UN-ka oo si lama filaan ah u geeriyooday

ruushkaRuushka (estvlive0 21/02/2017

Danjirihii Ruushka u fashiyey Qaramada Midoobey Vitalij Tjurkin ayaa si lama filaan ah ugu geeriyoodey maalntii Isniinta, New York ee dalka Maraykanka, sida laga soo xiganayo wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushanku.

Ma cadda waxa sababey dhimashadiisa. Waxaana lagu tilmaamey mid lama filaan ah, Vitalij Tjurkin ayaa xanuunku qabtey isaga oo ku sugan xafiiskiisa shaqo kadib waxaa loola deg-degay isbitaalka halkaas oo uu ku geeriyoodey.

 

Vitalij Tjurkin ayaa Qaramada Midoobey ka shaqeynaayey in ka badan 10 sano.

Tjurkin wuxuu ku geeriyoodey 64 sano jir maalin ka hor markii u buuxin lahaa 65 sano oo ku beegan maanta oo Salaasa ah.

Vitalij Tjurkin ayaa si weyn wejigiisa loo bartey Qaraaradii fashilmi jirey ee Golaha Amaanku isku dayey in ay ka gaaraan dalka Siiriya sanadihii 2012-2014 markaas oo uu VITO saari jirey.

Comments are closed